XEERNIDAAMIYAHA WAXBARASHADA DUGSIYADA GAARKA AH OO LA SOO BANDHIGAY

XEERNIDAAMIYAHA WAXBARASHADA DUGSIYADA GAARKA AH OO LA SOO BANDHIGAY

Posted by

Wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska ee J. Somaliland ayaa Arbacadii [3dii bishan October] soo bandhigtay qabyo-qoraalka Xeer-nidaamiyaha Waxbarashadda Gaarka loo leeyahay, kaasi oo ay sheegtay in laga soo dheegtay Xeerka Waxbarashada ee Golaha Wakiillada Somaliland ansixiyeen, isla markaana Madaxweynaha somaliland dhaqan galiyey dhawaan, si loogu dhaqo waxbarashadda.

Shirkan oo lagu qabtay Xarunta Guud ee Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska ayaa waxaa qoobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda W & S, Mudane Prof Yaasiin X. Maxamuud Xiir, Wasiir ku-xigeenka isla wasaraaddaa, Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Muxumed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Horumarinta Maaliyadda, Mudane Maxamed Daahir Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Prof Maxamed Faarax Xareed, iyo guud ahaan agaasime waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda W & S.

Madashaasi ayey madaxda wasaaraddu ku soo bandhigeen, isla mariana si mug leh la isugula lafa guray, qodobada uu xambaarsanyahay Xeer nidaamiyaha cusub ee Dugsiyada Gaarka ah.

Wasiirka WW&S, Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, ayaa  ka soo qaybgalayaasha u sheegay in aanu ahayn xeerkani mid lagu dabar-jarayo dugsiyada gaarka loo leeyahay, laakiin uu yahay mid lagu dhaqayo isla markaana tubta sharciga la waafajinayo waxbarashadda qaranka si loo soo saaro jiil ka dhisan xaga aqoonta iyo dhaqankaba.  Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in xeerku difaaci doonaa xuquuqda waxbarashadda gaarka ah, waxa kale oo uu anshax-marin iyo ruqsad kala noqoshaba ku samayn doonaa cidii ku gefta marka uu noqdo xeer dhaqangal ah. Wasiirku waxa uu sheegay in aanu ahayn xeerkani mid ay iyagu iska mala-awaaleen laakiin uu yahay mid ay ka soo dheegteen Xeerka ivo Siyaasada Waxbarashadda Qaranka.

Wasiir kuxigeenka WW&S, Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Muxumed, ayaa isaguna sheegay in shirkani yahay mid la iskula eegayo habkii iyo hanaankii lagu dhiqi lahaa dusiyada gaarka ah. Dhanka kale waxa uu Mudane Cabdilqaadir xusay sababta ay ugu soo casuumeen mulkiilayaasha iyo maamulayaasha dugsiyada gaarka ah, taasi oo uu ku macneeyey in ay doonayaan sidii xeerkani u noqon lahaa mid la wada leeyahay oo aanay dugsiyada gaarka ahi u arag mid lagu duudsiyayo xaqooda iyo xoriyadooda.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada, Mudane Maxamed Daahir Axmed, ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay, waxaanu mulkiilayaasha kula dardaarmay in ay bixiyaan cashuurta xaqa loogu leeyahay si loo helo adeegyo iyo horumar balaadhan oo qaranku gaadho.

Gebagabadii, shirkan ayaa lagu balamay in la isku soo noqdo maalinta Arbacada ee ay taariikhdu tahay 10/10/2018  si loo sii anbaqaado xeernidaamiyaha waxbarashadda gaarka ah.

Comments are closed.