WAREEGTADII WASIIRKA WASAARADDA WAXBARASHADA SOMALILAND KU HAKIYEY QAYBINTA DEEQAHA WAXBARASHO EE GUDAHA, FAAHFAAHINTII AGAASIMAHA GUUD

WAREEGTADII WASIIRKA WASAARADDA WAXBARASHADA SOMALILAND KU HAKIYEY QAYBINTA DEEQAHA WAXBARASHO EE GUDAHA, FAAHFAAHINTII AGAASIMAHA GUUD

Posted by

Wareegto toddobaadkii ina dhaafay [o4 October, 2016] ka soo baxday Xafiiska Wasiirka cabdilaahi-dheere-3Wasaaradda  Waxbarashada Iyo Taclinta Sare ee Somaliland, Mudane  Cabdilaahi Ibraahim Habbane [Cabdilaahi Dheere] ujeedadeeduna ahayd “Joojin Deeqaha Waxbarashada ee Gudaha” ayaa si rasmi ah loogu hakiyey deeqihii ay Wasaaradda W & TS qaybin jirtey ee ay ku deeqi jireen Jaamacadaha ka jira dalka gudihiisu.

Wasiirka ayaa ku sababeeyey joojinta hawshan inaanay hadda WW & TS u diyaarsanayn habraac lagu maamulo deeqahaasi sidaas darteedna ay ku abuurtay Xafiisyadii Wasaaradda ‘Khalkhal iyo Jahawareer’ iyadoo ay tiro xad dhaaf ahi soo qoratay codsiyo la xidhiidha deeqahan waxbarasho.

Wareegtada [Ka Akhriso Hoos] ayaa nuxurkeedu daaranaa sadeex go’aan oo kala ah:

  1.  In la joojiyey Liiskii Deeqda Waxbarasho ee loo gudbin jirey Jaamacadaha Dalka
  2. In sannadkan Waxbarasho ee 2016/2017 Jaamacadaha loo fasaxay inay iyagu xushaan deeqda waxbarasho cidda ay siinayaan, iyo
  3. In masuuliyiinta WW & TS si rasmi ah looga mamnuucay inay gudbiyaan wax codsi ah oo ku saabsan deeqdaasi.

agaasimaha-guud-waxbarashadaDhanka kale Agaasimaha Guud ee WW & TS, Mudane Cabdi Cali Jamac, oo hadda muddo kooban hayey xilkaasi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka siiyey saxaafadda  [Ka Daawo Hoos] sababaha dhaliyey Joojinta hawshii Wasaaraddu uqaban jirtey danyarta, iyadoo hadalkiisani daba socdey guux iyo cabasho maalmihii u dambeeyey ka soo yeedhayey dad kala duwan oo dan yar ah oo aad uga xumaaday Wareegtada Wasiirka WW & TS.

rrrryyyy

Comments are closed.