UNICEF oo ka shaqeyneysa kor u qaadida waxbarashada Gabdhaha Soomaaliyeed

UNICEF oo ka shaqeyneysa kor u qaadida waxbarashada Gabdhaha Soomaaliyeed

Posted by

Somalischools. Warbixin kasoo baxday hay’ada UNICEF, ayaa sheegeysa in Caruur badan ay dhigtaan Iskuulada ku yaal Dawladda Somaliland iyo Puntland, oo labaduba ah deegaano xasiloon marka loo eego bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Sidoo kale warbixintaan ayaa lagu sheegay ineey jiraan caqabado  ku aadan, in gabdho badan Iskuuladaas laga qoro si ay u dhigtaan.

Sahan ay sameeyeen wasaaradaha qorsheynta maamulada Somaliland, Puntland  iyo hay’adda QM ayaa aad u dhiiro galiyay mustaqbalka waxbarashada caruurta meelahaas ku nool.

Maamul goboleedka Puntland ayaa tirada dhinaca waxbarashada caruurta dugsiyada hoose waxay ahayd 26% ilaa 43% shantii sanadood ee lasoo dhaafay, iyadoo dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland la ogaady in ay intaas ka yar tahay.

Susannah Price  oo hay’ada UNICEF u qaabilsan dhinaca warbaahinta, oo arimahaan ka hadlaysa waxay tiri: “UNICEF, tusaale ahaan waxay si xoog leh uga shaqeysay sidii ay u tababari lahayd macalimiin ku filan oo u shaqeeya qaab aan joogta ahayn, iyo kuwa kale oo iyagana tusaale ahaan wax baraya caruurta ku nool meelaha miyiga ah, dhismaha Iskuulada ee dhinaca waxbarashada dhab ahaantii waa furaha mustaqbalka Soomaaliya”.

Susannah Price,  waxay intaasi ku dartay in hay’adoodu ay dooneyso sidii ay waxbarashada u wada heli lahaayeen dhamaan caruurta Soomaalida oo wiilal iyo gabdho leh, islamarkaasna loo hormariyo gabdhaha jidka ay ku heli lahaayeen waxbarashada.

Gabdho Arday 2 Hablo ardayArday Gabdho Computers

“Waxaanu diirada saarnay in wax laga badalo qaababka waxbarasho ee gabdhaha, si loola hadlo waalidiinta oo la yiraahdo, waa maxay sababta gabdhaha aysan u heleeynin waxbarasho, sida wiilasha walaalahood ay muhiim ugu tahay waxbarashadu, ayay gabdhuhuna muhiim ugu tahay ineey helaan waxbarasho” sidaas waxaa yidhi Susannah Price.

Hay’adda QM uqaabilsan Caruurta UNICEF, waxay sheegtay ineey gacan kasiin doonto degaanadaasi ieey horumar ka sameeyaan dhinaca waxbarashada, iyo qaybaha kale ee ay ku liitaan, sida Daryeelka Caafimaadka.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hormarinta Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya Drs.Maryam qaasim ayaa mar sii horeysey ku dhawaaqdey in sanadkan ay dooneyso in Soomaaliya ka hirgeliyaan barnaamij ay ka qaybqaataan Hal Milyan oo caruur ah kuwaasoo wax ku barta si lacagla’aan ah, waxaana caruur badan ay ka war sugayaan ballanqaadka Dawladda.

 

Comments are closed.