MAAMULAHA DUGSIYADA NUURADIIN OO ISKA FOGEEYEY IIBSIGA NATIIJADA IMTIXAANADA: “ANNAGU LACAG MA BIXINO”

MAAMULAHA DUGSIYADA NUURADIIN OO ISKA FOGEEYEY IIBSIGA NATIIJADA IMTIXAANADA: “ANNAGU LACAG MA BIXINO”

Posted by

Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin, Mudane Mahad, ayaa si weyn uga biya diidey eedeyn loo soo jeedieyey oo ku saabsan inuu iibsado kaalmaha hore ee natiijada Imtixaanada Shahaadiga ah ee Somaliland.  Maamulaha oo Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay “Guusha Allaa bixiya….Annagu lacag ma bixino. Cidda aanu lacag siinaa ha sheegaan oo caddaynteeda ha keenaan”.  Mudane Mahad ayaa intaasi ku daray “Wax la iibsan karo oo lacagi goyn karona ma aha waxa aanu haynaa.  Waa arday la tababaray. Ardaydaayadaasi Imtixaano Caalami ah bay galeen, ‘Turkey’ bay u tartameen oo ‘Scholarships’ ah, ‘Malysia’ bay u tartameen…kuwaa kaalmaha ku guuelystey baa ku guuleystey… Ilaahay ka cabsada”.

Dugsiyada Nuradiin ayaa tiradii abid ugu badnayd ee kaalmaha hore ka helay natiijadii Imtixaanada sannad dugsiyeedka 2018.

Sida ka muuqata shaxda 10ka arday ee ugu saraysey Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland,  Dugsiyada Nuuradiin ayaa helay toddoba [7] ka mid ah tobanka [10] Arday ee ugu sarreeyay, kuwaasoo saddex [3] ka mid ah noqdeen saddexda arday ee ugu sarreeya guud ahaan Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SHAXDA NATIIJADA & WARAYSIGA MAHAD:

Natiijada Imtixaanka 2018

Comments are closed.