LIISKII NATIIJADA IMTIXAANADA EE TOBANKA ARDAY EE UGU SARAYSA OO SANNADKAN LA JOOJIYEY

LIISKII NATIIJADA IMTIXAANADA EE TOBANKA ARDAY EE UGU SARAYSA OO SANNADKAN LA JOOJIYEY

Posted by

Shirkii ku saabsanaa Xadaynta Qishka Imtixaanada ee ka socdey Hudheelka Imtixaan, ardayMaansoor, Hargeysa, ayaa la soo gebagebeeyey iya doo sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo aanu helney, halkaasi laga soo saaray talooyin afar qodob ah oo ay ugu weyntahay in wixii laga bilaabo sannadkan la joojiyey liiskii natiijada Imtixaanka ee la odhan jirey ‘Tobanka arday ee ugu sareysa’ [Top Ten].  Qodobadii laga soo saaray shirka ayaa kala ah

  1.  Waxaa la mamnuucay in Moobilada lala yimaado goobaha imtixaanada.  Ardaygii la soo gala Mobile goobta waxaa tallaabo ka qaadaya ilaalada goobta.
  2. Waxa la joojiyay wixii la odhan jiray Top Ten (tobanka arday ee u sarreeysa).
  3. In ilaalada imtixaanka wax weyn laga beddelo
  4. Waxaa la isla qaatay in ogeysiiskaa laga baahiyo warbaahinta muddada ka hadhsan imtixaanka.

 

Comments are closed.