KHILAAFKII WASAARADDA WAXBARASHADA IYO DUGSIYADA OO LA XALIYEY, MACALLIN MAHAD OO KA HADLAY

KHILAAFKII WASAARADDA WAXBARASHADA IYO DUGSIYADA OO LA XALIYEY, MACALLIN MAHAD OO KA HADLAY

Posted by

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska ayaa shir ay la qaateen Maamulayaasha Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ku soo afmeeray khilaaf labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ka dhex qarxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada Gaarka loo leeyahay.

Khilaafkan oo ku salysnaa wareegto uu Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadu si kedis ah dib ugu dhigay xilligii la furi lahaa dugsiyada ayaa keenay waalidiinta iyo macalimiintuba si isku mid ah inay uga soo horjeestaan amarka wasaaradda.

Hore, Wasaaraddu waxay u amartay in furitaankii dugsiyada dib loo dhigo muddo hal bil ah, haseyeeshee heshiiskan dambe ee ay labada dhinac isla gaadheen ayaa la isku afgartay in dugsiyada Somaliland dib loo furo 11ka bishan August, 2018.

Gunaanadkii shirka laga soo saaray heshiiska, dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Dugsiyada Nuuradiin, Macallin Mahad.

HALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKII MACALLIN MAHAD:

Comments are closed.