JAAMACADDA MEKERERE OO LA AMRAY IN ALBAABADA LOO XIDHO

JAAMACADDA MEKERERE OO LA AMRAY IN ALBAABADA LOO XIDHO

Posted by


Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa markii ugu horeysan amar ku bixiyay in albaabada loo laabo  jaamacada Makerere oo ka mid ah jaamacadaha ugu faca weyn guud ahaan marka la eego qaaradda Afrika.

Madaxweyne Museveni ayaa ku macneeyay amarkan lagu xiray jaamacada sababo la xidhiidha sidii amniga loo ilaalin lahaa.

musefemi-and-wifeWaxaa jiray dibadbaxyo rabshad0 wata oo ka dhacay xarunta Jaamacada Mekerere kadib markii ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen macalimiinta jaamacada.

Gaar ahaan waxaa dibadbaxyadan dhigayay ardeyda iyagoo dalbanayay in waxbarashadoodii dib loogu bilaabo maadaama ay bixiyeen lacagihii fiiga ah ee looga baahnaa.

Macalimiinta jaamacada ayaa waxay dalbanayaan in la siiyo mushaaraadkooda iyadoo shan bilood aysan qaadan mushaaraadkooda. Waxaana ka sii horeeyay in lacago lagu kordhiyay lacagta ay ardayda ku dhigtaan jaamacada.

Jaamacada Mekerere  waxaa wax ku soo bartay dad badan oo mas’uuliyiin ka noqday dalal ka mid ah qaaradda Afrika.

Ugu danbeyntii waxaa xusid mudan in Wasaarada Waxbarashada dalka Uganda ay wasiir ka tahay Marwada Madaxweynaha dalkaasi.

Comments are closed.