JAAMACADDA BARIGA AFRIKA, BOOSAASO: ARDAY KA QALINJEBISEY

JAAMACADDA BARIGA AFRIKA, BOOSAASO: ARDAY KA QALINJEBISEY

Posted by

Munaasabadan oo lagu qabtay hoolka Jaamacada Bariga Africa ee Magaalada Bosaso, ayaa waxaa ka qayb galay Xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland Maamulka Gobalka Bari , Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika [JBA], Waalidiin, Aqoonyahano,  iyo Marti sharaf Kale oo badan.

Munaasabada oo ahayd mid qaab ahaan ka duwanayd kuwii lagu qaban jiray jaamacada marka laga fiiriyo sida loo soo agaasimay, ayaa lagu sagootinayey ardaydii ka qalinjabisey Kuliyadaha kala duwan ee ay Jaamacdu ka koobantahay.

Waxaa Sido Kale Ardayda Qalin Jabinaysay Ku Jiray 8 Arday Oo Kulliyadda Shareecada Ka Qatay Shahadada Mastarka Ah Ee Waxbarashada Heerka Labaad Ee Jaamacadda.

Dr Aadan Shiikhdoon Cali, Gudomiyaha Jamacada Bariga Afrika, ayaa hambalyo u diray ardayda qalinjabisay iyo Eheladooda, isagoo sido kale u mahadceliyay maamulka iyo macalimiinta JBA oo uu sheegay in ay dadaal badan geliyeen sidii ardaydani ay heerkan u soo gaadhi lahaayeen, wuxuuna dhanka kale amaanay waxyaabihii ay qabteen ardayda mudadii ay dhiganaayeen jaamacadda .

Macalimiintii wax soo bartay ardayda ayaa dhankooda ardayda kula dardaarmay in ay ugu adeegaan cilmigii la baray bulshadooda, sidoo kalana ay midoobaan.

Qaar ka mid ah ardayda dhameystay waxbarashada Jaamacadda ayaa uga mahadceliyay dadaalkooda maamulka iyo Macalimiinta JBA iyo waalidiinta, waxayna sidoo kale sheegeen in mudadii ay wax baranayeen ay wax badan u qabteen bulshada si gaar ah dadka danyarta ah ee magaalada .

Wasiir Dawlayaasha Wasaradaha Warfaafinta Iyo Dekadaha Puntland, Cabdifataax Nuur Ashkir iyo Axmed Siciid Cabdirixmaan, ayaa ardayda kula dardaarmay inaysan halkasi wax barshad kaga hadhin.

Gudomiyaha Gobalka Bari, Dr Yuusuf Maxamed Waceys [Dhado], Ayaa Goobta Uga Balan Qaday Drs Maryan Maxamed Oo Baratay Cafimaadka Iyo Faadumo Oo Ka Qalin Jabinaysay Kuliyada Enjinerinka Inay La Shaqayn Doonan Shirkadda Dhisaysa Dekadda Boosaaso.

Ugu Danbeyntii, Waxaa Ardayda la Gudoonsiiyay Shahaadooyin Kala Duwan kuwaasoo ay Gudoonsiiyeen Gudomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Dr Aadan Sheekhdoon Cali iyo Qaar Ka mid ah masuuliyiintii ka qeyb galay.

Cabdiqani Boos

Puntland Post- Bosaso

Comments are closed.