IMTIXAANKII SHAHAADIGA AHAA EE PUNTLAND OO MAANTA LA BILAABAY SIXITAANKIISII

IMTIXAANKII SHAHAADIGA AHAA EE PUNTLAND OO MAANTA LA BILAABAY SIXITAANKIISII

Posted by

Wararka ka imanaya Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegaya in la bilaabay sixitaanka Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dhowaan laga qaaday Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee degaanadaasi.

Imtixaanadan oo qaadistooda la bilaabay 20 kii bishii May, 2017  lana soo gebagebeeyey 25kii May, 2017    ayay qaadatay in loo diyaargaroobo sixitaankooda mudadaas 50ka maalmood  ah, iyadoo maalmihii u dambeeyey lagu hawlanaa tababarka iyo wacyi gelinta macalimiinta imtixaanka saxi doonta.

Imtixaanka, Jadwalka Puntland

Sida wararku tilmaamayaan tirada macalimiinta imtixaanka saxaysa ayaa lagu sheegay 200 macalin kuwaasoo la fiayo inay hawshaasi ku soo afmeeraan muddo 10 maalmood ah.

Ardayda guud ee Gobolada Mamul Goboleedka Puntland Imtixaanka u fadhiisatay ayaa Tiradoodu  gaadhaysaa 12,687 Arday, waxaana imtixaankaas lagu qaaday 86 xarumood oo ku kala yaala Sagaalka Gobol ee Puntland  ka koobantahay.

Imtixaan, Gabdho Puntland

Comments are closed.