Ugu horayn wasiirka oo ka hadlaya shuruudaha ka reeban ardaydu inay la yimaadaan goobaha imtixaanaadka ayaa waxa uu yidhi “Maalinta sabtida ah oo ay bishu tahay 01/07/2017 waxa bilaabmaya oo loo fadhiisanayaa imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee fasalada 8aad ee dugsiyada hoose dhexe iyo fasalada 4aad ee dugsiyada sare, fariinta aanu farayno ardayda
Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa ka war bixiyey imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalada 8aad ee dugsiyada hoose dhexe iyo fasalada 4aad ee dugsiyada sare oo dhawaan bilaabi doona.
Wasiirka waxbarashadu waxa uu dardaaran u jeediyey guud ahaan ardayda ka qayb galaysa imtixaanaadka iyo waalidiintoodaba.
waxa weeyaan imtixaanku ma adka balse waxaanu doonaynaa inay ardaydu si degan uga shaqayso, waxyaabaha ka mamnuuca ahna aan lala iman, ardayguna waa inuu soo qaataa qalimaantiisa, lacagtiisa oo cadaan ah waayo mobile lalama soo gali karo dugsiga haddii uu mobile la yimaadana wuu ka noqonayaa imtixaanka oo loo ogolaan maayo inuu galo maadadaas, haddii lagu helo isaga oo fasalka fadhiya waa laga saarayaa imtixaanka, sidaas darteed waynu ka maarmi waynay inaga oo doonayna inaynu ilaalino xaqa qofka mid aanu lahayna qaadan, arintaas taxadir badan ayaa laga sameeyey waxaana la doonayaa in ardaydu si degan u soo gasho goobaha imtixaanaadka si degana uga shaqayso, mana aha wax lagu cadaabayo ardayda ee waa mid lagu ogaanayo fahamkiisa iyo in la ogaado sida uu uga jawaab bixinayo casharadii la soo qaatay.”ayuu yidhi wasiir Habane oo u waramay Star Tv.
Sidoo kale wasiirka ayaa sharaxay sababaha ku kalifay inay sanadkan shuruudo adag dul dhigaan ardayda imtixaanaadka u fadhiisanaysa waxaanu yidhi “Waxaanan doonaynaa in waxbarashadeenu ay noqoto mid dux leh oo tayo leh waxaanay ku noqonaysaa in caruurteenu waxa loo sheegayo akhrido, waxaanu u samaynay in warbaahinta looga sii daayey maadooyinka adag oo macalimiintu u shaqayso, sanadkan waxa ardayda lagu imtixanaaya casharadii fasalada 8aad iyo fasalada 4aad mana jiraan fasalo kale oo casharadooda lagu soo darayo imtixaanaadka waxaanan doonaynaa inay ardaydu si degan uga shaqeeyaan.”
Ugu dambayn wasiir Habane ayaa fariin u diray waalidiinta ardayda waxaanu yidhi “Waalidiinta waxaanu ka doonaynaa inay la socdaan ardayga oo ay la soo dardaarmaan wixii ay u helayaana ay soo siiyaan, qalimaanta u soo badiyaan wixii kale ee rabshad galinaya ay ka reebaan.”
Social Media