HARGEYSA:  MACHADKA AL IMAAM AL SHAWKAANI OO XAAFADDA ISHA BOORAMA LAGA FURAY

HARGEYSA: MACHADKA AL IMAAM AL SHAWKAANI OO XAAFADDA ISHA BOORAMA LAGA FURAY

Posted by

Waxa shalay galab lagu qabtay Xaafadda Isha Boorama ee magaalada Hargaysa munaasibad lagu furayey Machad cusub oo loogu magac daray Al Imaam Alshawkaani kaasi oo lagu baran doono culuumta Shareecada iyo Luqada Carabiga.

Machadkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga furo xaafadaasi waxa furitaankiisa ka soo qayb-galay Xildhibaano, salaadiin, culimo ,odayaasha iyo dadka degan xaafada laga furay iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Sh Cali Muuse Cilmi oo ah Maamulaha Machadka Al Imaam Alshawkaani waxaana uu ka waramay ujeedooyinka loo aas-aasay machadka iyo qaabka uu u shaqayn doono waxaana uu yidhi:-“haddii aan ka waramo machadkan iyo ujeedooyinka ugu waaweyn ee aanu u furnay waxa ka mid ah in aanu dadka barno kitaabka ilaahay iyo sunada nabi maxamed oo ay umadu ku badbaadayaan adduun iyo aakhiro labadaba , hadafka labaad ee markiskan iyo machadkan aanu u aas-aasnay waxa weeyaan in jahliga lala dagaalamo oo umada muslimiinta gaar ahaan dadka xaafadan degan ee isha boorama iyo nawaaxigeedaba in jahliga iyo aqoon-darida ka haysata diintooda in badan oo ka mid ah sidii jahligaas meesha looga saari lahaa aanu ku dedaalno insha allah ,ujeedada saddexaad ee aanu machadkan u aas-aasnay waxa ka mid ah in machadkani uu u soo saaro  rag iyo dumar dadka diinta u sii dhigi kara”.

Sidoo kale waxa munaasibadaasi ka hadlay culimo tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) iyo Sheekh Rashiid Maxamuud Cige waxaana ay dhamaantood si qoto-dheer ay uga hadleen qiimaha ay leedahay barashada culuumta la xidhiidha shareecada islaamka iyagoo soo dhaweeyey machadkan cusub  ee Al Imaam Alshawkaani.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye iyo Suldaan Maxamed Muuse Nuur oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada ay leedahay barashada shareecada islaamku , iyagoo xusay in barashada shareecadu islaamku ay fure u tahay guusha adduun iyo aakhiraba, waxa ay si aada ugu mahadceliyeen maamulka Machadka Alshawkaani iyo haayada gacanta ku hayn doonta ee al-baraka.

Geeska kale waxa munaasibadaasi ka hadlay Iid Cabdi Cali oo ah Guddoomiyaha Haayada Al-baraka oo hirgalisay Machadkan, Maamulayaasha Madaaariska Imaamu Maalik , Ibnu Taymiyah Image result for ALBARAKA CHARITYiyo Qaar odoyaasha xaafada waxa ay soo dhaweeyeen furitaanka machadkan cusub iyagoo sheegay in uu wax weyn ka tari doono baahidii ay dadka degan xaafada isha boorama ay u qabeen barashada shareecada islaamka ee ay u tagi jireen goobaha ka durugsan.

Machadkan waxa loo aas-aasay in ay ka faaidaystaan dadka waxna aan qorin , waxna aan akhriyin iyo kuwa kale ee u baahan in ay korodhsadaan aqoontood diineed waxaana uu si rasmiya  u hoos tagi doona hay’ada khayriga ah ee Al-baraka Charity oo ka mid ah Hay’adaha Ka Shaqeeya Arimaha Samafalka ee dalka ka jira

Comments are closed.