DUGSIGA SALAAMA, HARGEYSA: DUFCADDII SHANAAD OO LA SII SAGOOTIYEY

DUGSIGA SALAAMA, HARGEYSA: DUFCADDII SHANAAD OO LA SII SAGOOTIYEY

Posted by

Maamulaha Dugsiga Salaama, Siciid Faarax Xuseen, Waalidiinta, Macalimiinta, ardayda iyo martisharaf ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka ee Somaliland ayaa ka soo qayb galay Xaflad Hudheelka Maansoor loogu qabtay ardayda ka qalinjebisey Dugsiga Sare ee Salaama.

Gebagebadii xafladda waxaa abaalmarino lagu gudoonsiiyey ardaydii kaalamaha hore ka galay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Sare ee Somaliland iyo arday la sheegay inay kaalmaha ugu sareeya ka galeen imtixaan laga qaaday dugsiyada Soomaalida.

Comments are closed.