DUFCADDII UGU HOREYSEY OO KA QALINJEBISEY ADMAS BORAMA

DUFCADDII UGU HOREYSEY OO KA QALINJEBISEY ADMAS BORAMA

Posted by

Xaflad loogu dabaaldegeyey 64 arday oo ka qalinjebisey 4 ka mid ah 7 kulliyadood oo ay ka koobantahay Jaamacadda Admas, faraceeda Boorama ayaa lagu qabatya SAW HOTEL oo ku yaalla degmada Borama, Awdal.

Xafladdan oo ahayd mid lagu maamusayey dufcaddii ugu horeysey tan iyo intii la aasaasay faraca Boorama ee Jaamacaddaasi waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Waaxda Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Axmed Muuse Seed; iyadoo uu marti sharaf ahaan uga soo qayb galay Wasiirka Beeraha Somaliland, Mudane Axmed Muumin Seed.

Prof. Axmed Cabdillaahi Tallan, Gudoomiyaha Jaamacadda Admas Boorama iyo Gudoomiyaha Jaamacadaha Admas Somaliland, Proff. Tesfaye ayaa warbixin guud ka bixiyey waxbarashada iyo himilada Jaamacadaha Admas.

Jaamacadda Admas waxaa degmada Boorama laga furay 29 July, 2015; waxaana hadda dhigta arday ka badan 300 kuwaasoo ku kala jira 7da kulliyadood ee ay hadda ka koobantahay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKA ADMAS BORAMA

Comments are closed.