DAAWO, ARDAY SOOMAALIYEED OO DAWLADDA SHIINUHU DEEQ WAXBARASHO SIISEY

DAAWO, ARDAY SOOMAALIYEED OO DAWLADDA SHIINUHU DEEQ WAXBARASHO SIISEY

Posted by

Xaflad lagu sii sagootinayey arday ku guuleysatey fursado waxbarasho oo ay dawladda Shiinuhu u fidisay Soomaalida, laguna qabtay Xamar ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya, Safiirka China u jooga Soomaaliya, Xubno ka kala socday Wasaaradaha Arimaha dibadda iyo Waxbarashada, Waalidiin iyo ardeydii deeqda waxbarasho helay.

Ugu horeyn Agaasimaha Tacliinta Sare ee Somalia, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, oo faah faahin ka bixiyey nooca deeqdan waxbarasho ay tahay ayaa sheegay in ardeyda la aqbalay ay ka socdeen Maamul Goboleedyada dalka oo Soomaaliland ku jirto loona qaatay Darajada Koowaad ee Jaamacadda iyo Darajada Labaad.

Yuusuf ayaa intaas ku daray in howsha ardeydan ay socotay muddo 7 bilood ah si cadaalad ahna lagu soo xulay, waxa ayna isugu jiraan ayuu yiri wiilal iyo Gabdho.

Ardeyda waxbarashada helay oo qaarkood ay xafladda ka hadleen waxa ay sheegeen in aysan lumin doonin fursadda ay heleen oo ay dalka kusoo laaban doonaan iyaga si wanaagsan u soo dhammeystay waxbarashadooda ayna u abaal gudi doonaan umadda Soomaaliyeed.

Waalidiin oo iyagana hadlay ayaa ka mahadceliyey fursadda waxbarasho ee caruurtooda ay siisay Wasaaradda waxbarashadu.

Safiirka China u qaabilsan Soomaaliya Qin Jian oo xusay xiriirka Fog ee ay Soomaaliya iyo China leeyihiin ayaa sheegay in ay xoojin doonaan tirada Dhallinyarada ah ee Waxbarashada siiyaan wuxuuna aad u amaanay xiriirka kala dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada.

Ugu dambeyn Wasiirka Waxbarashada Hidda iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa la dardaarmay ardeyda waxa uuna ku wargaliyey in Wasaaradda waxbarashadu ay la socon doonto xaaladdooda, waxaana isla Goobta wasiirku uu ku gudoonsiiyey ardeyda Tikidhadii ay ku aadi lahaayeen Dalka China.








Comments are closed.