DAAHFURKA BARNAAMIJ LOO BIXIYEY “AQOONJIRE” OO WASAARADDA WAXBARASHADA SOMALILAND LA GASHAY BULSHO TV

DAAHFURKA BARNAAMIJ LOO BIXIYEY “AQOONJIRE” OO WASAARADDA WAXBARASHADA SOMALILAND LA GASHAY BULSHO TV

Posted by

Barnaamij lagu sheegay in qaab “maqal iyo muuqaal”ah lagu baranayo buugaagta ay soo daabacday Shirkadda HEMA BOOKS ee manhajka cusub ee Somaliland ayaa lagu daahfuray magaalada Hargeysa.  Bulsho TV ayaa la tilmaamay inuu baahin doono casharada barnaamijkan oo uu Sarkaal ugu sareeya Xafiiska Manaahijta Somaliland sheegay in lagu baranayo afar [4] maaddo oo kala ah Xisaabta iyo saddexda maaddo ee Sayniska Dugsiyada Sare [Physics, Chemistry iyo Biology].  Goobta barnaamijkan lagu daahfuray waxaa ka soo qayb galay, kana hadlay, Wasiirka Waxbarashada,  Wasiirudawlaha, Agaasimaha Guud  iyo Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanada Qaranka. Tifaftiraha Bulsho TV ayaa si gaar ah u tilmaamay inay barnaamijyadani hawada soo geli doonaan bishan aynu ku jirno badhtameheeda.  DAAWASHO WACAN.

Comments are closed.