BASLAYAASH HARGEYSA OO DUGSIYADA KU DIRQIYEY INAY GUNNO FASAX SIIYAAN

BASLAYAASH HARGEYSA OO DUGSIYADA KU DIRQIYEY INAY GUNNO FASAX SIIYAAN

Posted by

“Go’aanka aanu maanta qaadanay uunbaa soconaya, wixii hore waxba kama jiraan. Iskuuladana waxaanu leenahay….” sidaasi waxaa sheegay xubno ka tirsan Guddiga baslayaasha Hargeysa oo ay go’aamo wada jir ah soo wada saareen Badhasaabka Gobolka Maroodijeex, Hargeysa.

Shir jaraa’id oo aanay ka hadlin wakiilada iskuulada Hargeysa balse ay saraakiisha Gobolku la wadaagtay baslayaasha oo keliya, kana dhacay xafiiska Badhasaabka ayaa lagu sheegay in laga heshiiyey muran ay soo qadimeen baslayaasha Hargeysa kuna salaysnaa in lacag guuno ah ay ka qaataan dugsiyada ay la shaqeeyaan xilliga fasaxa ah ee aanay hawsha daabulka ardayda ka shaqaynayn.

Hoos ka daawo:

Comments are closed.