AQOONYAHANO KA SOCDEY JAAMACADAHA KOOFURTA SOMALIA OO SI BAHDILIS AH BOOLISKA BURCO U URURIYE, WASIIRKA WAXBARASHADA OO SHEEGAY IN LA MASAAFURINAYO

AQOONYAHANO KA SOCDEY JAAMACADAHA KOOFURTA SOMALIA OO SI BAHDILIS AH BOOLISKA BURCO U URURIYE, WASIIRKA WAXBARASHADA OO SHEEGAY IN LA MASAAFURINAYO

Posted by

“Waanu go’aansanay inaanay Seminaarkaa ka qayb gelin, Kuweena [aqoonyahanada Somaliland] waa loo wadayaa, kuwooduna [Reer Koofureedka] waa la dhoofinayaa…Baskiibaaba soo wada, way iska tegeyaan” Waxaa hadaladaasi afka ku ballaadhiyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Telefishanka SAAB TV maanta uga waramayey masaafurinta aqoonyahnnadii Koofurta Somalia ee laga soo raafay magaalada Burco.

Aqoonyahannadaas oo ka kala socda 11 jaamacadood oo ku kala yaala Beledweyn, Muqdisho, Boosaaso iyo Kismaayo ayay subaxnimadii saaka si bahdilis ah ula dhaqmeen ciidamada Somaliland, kana soo ururiyeen Xaruntii Shirka lagu qabanayey oo ah Jaamacadda Burco.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Cabdilaahi Dheere, ayaa ku macneeyey in sababta loo qabqabtay aqoonyahanada tababarka ku jirey ay tahay in “Nimankii [koofurta] intii ay Dawladda farmaajo soo baxday dardar hor leh iyo cadaawad hor leh bay la soo baxeen“.  DAAWASHO WACAN.

Comments are closed.