AFAR JAAMACADOOD OO LOO FASAXAY CILMIGA CAAFIMAADKA

AFAR JAAMACADOOD OO LOO FASAXAY CILMIGA CAAFIMAADKA

Posted by

Qoraal ay si wadajir ah ugu wada saxiixanyihiin wasiirada Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, soona baxay 24 bishan October, 2019 ayaa lagu faafiyey natiijada qiimayn lagu sameeyey Jaamacadaha Caafimaadka ee Somaliland.  Lix [6] jaamacadood oo lagu sameeyey qiimayn [Quality Assurance] ayaa qoraalkaasi lagu oggolaaday inay sii shaqeeyaan afar [4] ka mid ah jaamacadaha caafimaadka, kuwaasoo kala ah:

(1)  Jaamacadda Caafimaadka ee Frantz Fanon ee Hargeysa

(2)  Jaamacadda Caafimaadka ee Golis University ee Hargeysa

(3)  Jaamacadda Caafimaadka ee Hargeysa, iyo

(4)  Kulliyadda Adal

Dhanka kale, sida qoraalka ka muuqata, waxaa dhigista [barista] cilmiga caafimaadka laga joojiyey jaamacadaha TIMACADDE iyo SHIFA oo hadda ka hor bixinayey maadadaasi.

Jaamacadaha afarta ah ee loo oggolaaday sii dhigista cilmigan waxaa la faray tilmaamo [directives] kala duwan oo muddaysan kuwaasoo kor loogu qaadayo tayadooda, laga doonayo inay ku dhammaystiraan hal (1) sano ah, qiimayn dambena lagu samayn doono. 

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay Jaamacadaha Timacadde iyo Shifa ee laga joojiyey dhigista cilmiga caafimaadka, sidoo kalena, jaamacadaha loo fasaxay cilmigani ma soo saarin wax jawaab celin ah oo ku saabsan amarada cusub ee la siiyey.

Xeerarka Waxbarashada Qaranka iyo kan Mihnadlayaasha Caafimaadka ayaa xukuumadda faraya inay qiimayn ku samayso hay’adaha laga barto cilmiga caafimaadka.

Halkan hoose ka akhriso qoraalkii Jaamacadaha Caafimaadka:

Comments are closed.