DEEQ WAXBARASHO, XAFIISKA WAXBARASHADA EE AL-HUDA [VIDEO IYO SAWIRRO]:  XAFLAD LOO QABTAY ARDAY LOOGU DEEQAY WAXBARSHO JAAMACADEED OO KALA DUWAN

DEEQ WAXBARASHO, XAFIISKA WAXBARASHADA EE AL-HUDA [VIDEO IYO SAWIRRO]: XAFLAD LOO QABTAY ARDAY LOOGU DEEQAY WAXBARSHO JAAMACADEED OO KALA DUWAN

Posted by

“Ardaydan deeqda Waxbarasho ka heshay dalka suudaan ayaa wax ka baran doona kulliyadaha barashada ilkaha , Caafimaadka Guud, Civil Engineering, Shareecada , Dhaqaalaha, Saxaafada, Arts Iyo Cilmiga Beeraha.”

HARGEYSA [SOMALILANDSCHOOLS]:  Xafiiska waxbarashada ee Haayada Al-huda waxa ay munaasibad sagootin ah u qabtay 18 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka suudaan, munaasibadaasi oo ka qabsoontay Hotel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa.

Alhuda 14

Munaasibadan oo ahayd mid lagu sagootiyey ardaydan heshay deeqda waxbarasho waxa ka soo qayb-galay Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada Iyo Diinta iyo Awqaafta, Xildhibaan Obsiiye, La Taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Dhalinyarada , Afhayeen Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka Haayada Al-huda Iyo Marti sharaf kale.

Ugu horayntii waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Xafiiska Waxbarashada ee Haayada Al-huda Cabdikariim Axmed Muxumed oo sheegay in xafiiska Waxbarashada ee haayada al-huda ay hoos yimaadaan toban dugsi oo isugu jira kuwo hoose/dhexe iyo mid sare,iyagoo ka hawlgala guud ahaanba gobolada somaliland marka laga reebo gobolka sanaag oo ay dhawaan ka hirgalin doonaan dugsiyo waxbarasho oo haayada hoos iman doona, waxa uu xusay guddoomiyaha xafiiska waxbarashada ee haayada al-huda in dugsiyada ay gacanta ku hayaan ay dhigtaan in ka badan 6000-arday oo sagaal boqol oo ka mid ahi ay bilaash wax ku bartaan.

Cabdikariim Axmed Muxumed Guddoomiyaha Xafiiska Waxbarashada ee Haayada Al-huda oo ka hadlaya xafladan iyo waxyaabaha ay ku saabsan tahay ayaa yidhi:-“Xafladan aynu isugu nimi waxa ay daaran tahay sagootin lagu sagootinayo ardayda dugsiga sare Al-huda oo tiradoodu dhan tahay 18-arday oo haayadu ay uga heshay deeq waxbarasho dalka suudaan , deeqdan waxbarasho in la helo waxa aad uga soo shaqeeyey anagoo fulinayna siyaasada qaranka jamhuuriyada somaliland madaxda haayada eekala joogta dalka guddihiisa, dibbadiisa iyo wakiilka haayada u jooga dalka suudaan”.

 

Alhuda 4Agaasimaha Fulinta ee Haayada Al-huda Sheekh cabdinaasir Iid Maxamed oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in haayada al huda ay tahay haayad ka shaqaysa arimaha bulshada gaar ahaana dhinaca waxbarashada isla markaana mashaariico kala duwan oo ku saabsan dhinaca arimaha bulshada ka fulisay badiba gobolada somaliland isagoo ka waramaya doorka ay haayada al-huda ku leedahay waxbarashada dalka waxa uu yidhi:-“Haayada al-huda waa haayad waddani ah oo ka shaqaysa dhamaanba arimaha bulshda waxay xooga saartaa arimaha waxbarashada oo runtii aas-aaskeedu ahaa oo markii ugu horaysay ee haayada la aas-aasay oo ahayd sannadkii 1994-kii aanu ku bilownay dugsi waxbarasho oo ka koobnaa saddex fasal oo ay ardaydu bilaash wax ku dhigan jireen, dugsigaasi waxa uu sitay oo ilaa iyo haddana uu sitaa magaca haayada Al-huda

Maamulaha Dugsiga Sare ee Al-huda Cabdisamad Yuusuf Guuleed oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu sagootiyo arday muddo afar sannadood ah ay ku soo tabcayeen oo helay deeq waxbarasho , waxa uu si qoto-dheer uga uga waramay qaabka uu u shaqeeyo dugsiga sare ee Al-huda ee magaalada hargaysa.

Nimcaan Maxamuud Cismaan oo ku hadlayey afka ardayda dalka suudaan ka helay deeqda Waxbarasho ee dugsiga sare ee Al-huda oo halkaasi ka hadlay waxa uu mahadcelin u diray masuuliyiinta haayada Al-huda ee deeqdan waxbarasho u soo heshay, Macalimiintii wax u soo dhigtay iyo waalidiintii ku dadaashay sidii ay wax u baran lahaayeen waxaana uu yidhi:-“Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay deeqdan waxbarasho ee aanu ka helnay dalka suudaan oo ah dalalka aadka iyo aadka ugu wanaagsan xaga waxbarashada ,taas oo ay noogu hawl-gashay ama kaalmaysay haayada al-huda ilaahay ha ka abaal-mariyee ,waxa aanu balan-qaadaynaa in aanu hadafkaa insha allah ka soo dhabayn doono oo aanu noqon doono kuwii midho ka dhaliya waxbarashadaasi”.

Alhuda 7Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye oo ka mid ah Mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland oo xafladaasi isna ka hadlay waxa uu dardaaran u diray ardayda deeqda waxbarasho ka heshay dalka suudaan, isagoo kula dardaarmay in ay ka dhabeeyaan ujeedada loo diray isagoo uga digay in fursada waxbarashada loogu diray ay ku badashaan in ay ku tahriibaan.

Alhuda 11Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna munaasibadaasi hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in haayada al-huda ay ka mid tahay haayada faro-ku tiriska ah ee dalka markii ugu horaysay laga aas-aasay isla markaana kaalin weyn ku leh ka shaqaynta  arimaha bulshada ee dalka gaar ahaana dhinaca waxbarashada , waxa uu ardayda deeqda waxbarasho heshay u jeediyey in deeqdaasi waxbarasho ee ay helaan uga faaideeyaan dalka.

Alhuda 12Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Somaliland Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane oo munaasibadaasi xidhay ayaa ka waramay isbadelka dhinaca waxbarashada ee adduunku ku yimi iyo sida ay muhiimka u tahay in lala jaanqaado , waxa uu sheegay in waxbarashadu tahay aas-aaska nolosha adaamahu ka dhaqaaqo si taasi guul looga gaadhana ay mudan tahay in layska kaashado horumarinteeda , waxa uu uu soo dhaweeyey wada shaqayn hor leh oo dhex marta haayada al-huda iyo wasaarada waxbarashada somaliland si ay iska kaashadaan dardar galinta hawlaha waxbarashada ee dalka.

Sidoo kale waxa munaasibadaasi hadalo ka jeediyey Guddoomiyaha Wakaalada Qurbo Jooga Somaliland Cabdi Cabdilaahi, Wakiilka haayada Al-huda ee dalalka qaarada Yurub Marwo Hibaaq Cabdi Jamaac  iyo Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Cali waxaana ay ardayda deeqda waxbarasho ka heshay dalka Suudaan kula dar-daarmeen in ay ka faaidaystaan jaaniska waxbarasho ee ay helaan islamarkaana ay iska jiraan wadiiqooyinka u sahli kara in ay u hanqal taagaan tahriibka maadaama oo dalka suudaan uu ka mid yahay dalalka ay marayaan tahriibayaashu.

Ardaydan deeqda Waxbarasho ka heshay dalka suudaan ayaa wax ka baran doona kulliyadaha barashada ilkaha , Caafimaadka Guud, Civil Engineering, Shareecada , Dhaqaalaha, Saxaafada, Arts Iyo Cilmiga Beeraha.

DAAWO VIDEO KU SAABSAN XAFLADDAAS ALHUDA:

 

Comments are closed.